Guddida Dhismaha Jidka DAWGACAD Oo Qaadhaan Lacageed La Soo Gaadhsiiyey

DAWGACADGuddida dhismaha Jidka DAWGACAD ee waqooyiga Magaalada Hargeysa ayaa ka mahad celiyey qaadhaan lacageed oo ay u soo direen qaar ka mid ah jaaliyadaha reer Somaliland ee dalka dibaddiisa.

Guddida ayaa qaadhaanka lacageed ee ay ka mahad celiyeen ka helay muwaadiniinta ku kala nool Kanada, dalalka Yurub qaarkood iyo Khaliijka, waxay qaadhaankaasi ugu talo-galeen inay kaga qayb-qaataan dhismaha jidka DAWGACAD oo hawshiisu meel wanaag mareyso.

Guddoomiyaha Guddidaasi, Eng. Cabdiqaadir Xaashi Cilmi oo ka hadlayey shir jaraa’id oo guddidu ku qabatey huteelka Maansoor ee Hargeysa, ayaa isaga oo sharaxaya meelaha qaadhaanka lacageed ka soo gaadhay ayaa yidhi “Waxaanu Ibraahim Axmed Muuse ka qabaney qaadhaan lacageed oo dhan, $ 6,865 doollar, lacagtaana waxa soo diray jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Kanada. Maxamed Hadliye Faarax oo jooga Norway waxa naga soo gaadhay $ 200 doollar. Waxa kale oo $ 2500 doollar naga soo gaadheen dumarka jooga Toronto, waxayna soo gaadhsiiyeen (oo noo soo gudbiyey) Aamina Ismaaciil Bookh iyo Axmed Nuur Maxamed. Dalka Sucuudiga waxa naga soo gaadhay $ 1000 doollar, waxa keentay Farduus Cabdi Faarax oo ka wakiil ah Ilma Jirde Faarax Yuusuf…”

Guddoomiyaha Guddida wanaag farista iyo xumaan joojinta Somaliland, oo isaguna gabogabadii halkaasi ka hadlay ayaa iftiimiyey ahmiyadda ay Muslimiinta u leedahay bixinta Sadaqadu, waxaanu u duceeyay muwaadiniinta soo diray qaadhaankaasi “ILAAHAY ha barakeeyo dadka ku nool Norway, Kanada iyo Sucuudiga ee lacagta soo diray, carruurta ILAAHAY ha ugu barakeeyo. ILAAHAY waxaanu uga baryeynaa inuu adduunka ku asturo, aakhirana ku badbaadiyo” ayuu yidhi, Guddoomiyaha Guddida wanaag farista Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.