About us

 

dcDawgacad wuxuu ka tirsan yahay jidka dheer ee ka bilaaabma waqooyiga magalaada Hargaysa kaas oo isku xidha caasimada Hargeysa ilaa xeebta woqooyi Jidkaas oo u muhim ah isku socodka labada dale ee Jabuuti iyo Somaliland. Jidkan waxaa lagu qiyaasay dhererkiisa ilaa 105 Kilometer Dawgacadna waa 4 kilometer oo ku yaala badhtamaha jidkan.

Jidkan waa mid lagu baneeyay gacanta wakhti muddo badan laga joogo ka dib markii ay fahmeen dadkii ku dhaqnaa deegaankaas muhimadda iyo faa’iidada uu u leeyahay Jidkani isku xidhka labada dal iyo isku socodka labad dad ee walaalaha ee ku kala dhaqan Jabuuti iyo Somaliland.

Jidkan waxa lag qiyaasay gadiidka mara bishii celcelis ahaan ilaa 600 oo baabuur. tani waxay muujinaysaa muhumidda uu leeyahay jidkani iyo waliba baahida ay u qabaan dadka ku dhaqan deegaanka waqooyiga iyo guud ahaan isku socodka labada dal ee jabuuti iyo somalialnd oo wax badan wadaaga.

Sida aynu tilmaamnay Jidkan waxaa ku yaala dawga loo yaqaano dawgacad kaas oo dhererkiisu yahay 4 kilometer. Dawgani waxa uu ahaa mid gabi ahaanba ay adag tahay maridda gaadiidka oo laba gaadhi aanay isku dhaafi Karin isla markaa waxaa uu sababaa shilal baabuur oo gaysta dhawaac iyo dhimasho badan

Hadaba iyadoo laga duulaayo dayacnaanta iyo khasaarah ka dhaca jidkan isku xidha labada dal. Waxa dayac tirka iyo haagaajinta dawgaas u kacay oo arrin iyo aduunba iskuu geeyay ka dib markay arkeen dhumucda wax qabad ee ay leedahay marka dadku meel xoogooda iskuugu geeyaan muwaadiniin reer Somaliland ah oo isku jira culimo, ganacasato, shacab iyo dawladba sidii wax looga qaban lahaa jidkan gaar ahaan dawgacad kaas oo gabi ahanba la baneeyay intiisii badnayd, oo hadda ay isku waydaaran karaan 3 baabuur halka markii hore hal gaadhi uu mari karayay. Waxa hadda hadhsan oo kaliya in daamur lagu shubbo afarta kilometer ee dawgacad si maalkii iyo muriqii galay aanu u noqon hal bacaad lagu lisay.

Akhristayaal websitekan waxaan u samaynay cid kasto oo doonaysa inay horumarkaa socda ka qayb qataan oo maskax iyo muruqba ku darsadaan isla markaan ajar iyo abaal marin kaga helaan Eebe wayne .

Hadaba wixii tabarucaad ah ee aad ku darsaynayso dhismah jidkan ku soo dir xisaabah kor ku xusan.

Akhristayaal dhismaha Jid, Masaajid iyo guud ahaan danaha guud waxay ka mid yihiin sadaqadahaga jaariga ah ee kuu soconaysa ilaa maalinta qiyaamaha sida nabigeenii suubanaa CSW uu inoo sheegay. Waxa ilaahay quraankiisa ku yidhi “isku kaashada wanaaga iyo samafalka oo ha isku kaashanina xumaha iyo gardarrada”. Soomaliduna waxay ku maahmaahdaa “gacmo wada jir bay wax gooyaan”

Hadaba si aynu dadkeena uga badbaadino khasaarahaas, una muujino horumarka iyo isku xidhnaanta dhulkeena, waxa dhamaanteen laynooga baahan yahay inaynu ka wada qayb qaadano dhismaha waddadan, iyo wixii kale ee khuseeya horumarinta dhulkeenaba.

Hadaba si aad uga qayb qaadato dhismaha waddadan, waxa aad ku soo dirtaa tabarucaaga Ciwaanada ka muuqda Hoosta.

Guddida Tabarucaadka DAWGACAD

big728