DAAWO: Guddida DAWGA-CAD Oo Deeq Lacageed Ka Helay Jaaliyadda Somaliland Ee Dibadda & Dad Ajaanib Ah

Dawga-CadHargeysa (DC) – Guddida dhismaha Jidka DAWGA-CAD ayaa ka mahad-celiyey deeq lacageed oo ay u soo direen Muwaadiniinta reer Somaliland ee ku dhaqan dalalka Imaaraadka Carabta iyo Ingiriiska.

Guddoomiyaha Guddida dhismaha jidka DAWGA-CAD, Eng. Cabdiqaadir Xaashi Cilmi oo ka hadlayey shir jaraa’id oo guddidu ku qabatey xalay hore huteelka Maansoor ee Hargeysa ayaa faahfaahiyey deeqda lacageed, cidda soo dirtey iyo cidda soo gaadhsiiyey “Waxay deeq lacageed naga soo gaadhay London, waxaana soo direy Dumar, waxayna ku soo hagaajiyeen Foosiya Xasan Xaashi, lacagta ay soo direenna waa $ 1300 doollar. Waa markii u horeysay ee dumar aan Soomaali ahayn ay wax ku soo darsadaan dhismaha jidka DAWGA-CAD” ayuu yidhi, Eng. Cabdiqaadir Xaashi Cilmi, waxaanu intaasi ku daray “Waxa kale oo Magaalooyinka Abu Dubia iyo Al-cayn naga soo gaadhay $ 23,288 dollar, waxaana na soo gaadhsiiyey Maxamuud Cabdi Jabane”

Maxamuud Cabdi Jabane oo wareejinta lacagtaasi ka dib halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Lacagtaa (aan idin guddoonsiiyey) waa $ 23,288 doollar, waxaana soo direy jaaliyadda Abu Dubia iyo Al-cayn ee dalka Imaaraadka Carabta”

Maxamuud oo sii hadlaya ayaa sheegay “Deeqdani maaha tii u horeysay, tii u dambeysana maaha oo kuwo kalena way soo socdaan, waayo hadafkayagu wuu ka sareeyaa dariiqa oo qudha..” ayuu yidhi.

Eng. Axmed Warsame Siciid oo ka mid ah guddida dhismaha Jidka DAWGA-CAD ayaa isaguna ka waramay halka ay mareyso hawsha dhismaha Jidkaasi, waxaanu sheegay inay qorshaynayaan sidii ay laami u saaran lahaayeen guud ahaan jidka DAWGA-CAD ilaa Ceel Sheekh “Imika waxaanu u alaab urursanaynaa inaanu Hargeysa ka bilowno oo aanu is barbar wadno Caratuulka iyo Laamida ilaa Ceel Sheekh…” ayuu yidhi, Eng. Axmed Warsame Siciid.

Cali Aaden Samater oo ka mid ah guddidaasi ayaa isaguna halkaasi ammaan iyo duco uga soo jeediyay muwaadiniinta soo gaadhsiiyey tabarucaadka ay kaga qayb-qaadanayaan dhismaha jidka DAWGA-CAD, waxaanu tilmaamay inay ILAAHAY agtiisa kaga helayaan khayr iyo abaal-marin “Dadkaa soo direy lacagaha waxaanu ILAAHAY uga baryeynaa in halkay ka soo saareen uu ILAAHAY wax ka khayr badan ugu beddelo, carruurtooda iyo waalidkoodana ILAAHAY dambigooda ku dhaafo. Waxaanu ka codsanaynaa in lacagtaa aanay mar kaliya ka dhigin ee ay halkaasi ka wadaan, waayo camal khayriya” ayuu yidhi.

Xuseen Yaasiin, ayaa isaguna halkaasi ammaan uga soo jeediyay jaaliyadda Abu dubia iyo Al-cayn oo uu tilmaamay inay yihiin muwaadiniin had iyo jeer dedaal ugu jira sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen horumarka dalkooda isla-markaana isku xidhan.

Xuseen Yaasiin, waxa uu sheegay in jaaliyadda Imaaraadka ee Lacagtan soo diray ay horena u soo gaadhsiiyeen Guddida DAWGA-CAD lacag qadarkeeda uu ku sheegay labaatan kun, taasina muujineyso sida ay uga go’an tahay inay dalkooda wax gashadaan. Sidoo kalena wuxuu amaanay isla-markaana u duceeyay haweenka reer Somaliland ee Magaalooyinka Abu Dubai iyo Al-cayn oo iyaguna dhowr jeer oo hore lacago soo gaadhsiiyey guddida DAWGA-CAD.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.