“Guddida DAWGA-CAD Caloosha Ayaan Uga Duceeyay” Guddida Waddada Balligubadle + Daawo Muuqaal

Balligubadle-RoadHawd (DC) – Guddida dhismaha Jidka Balligubadle ilaa Hargeysa ayaa halkaasi ku casuumay Guddida iskaashigu ka dhexeeyo ee DAWGA-CAD, kuwaasi oo kormeer iyo indho indheyn ku soo maray waddada Balligubadle oo dhismaheedu meel wanaagsan marayo.

Guddida dhismaha Jidka DAWGA-CAD oo ka jawaabaya booqasho Guddida waddada Balligubadle ay toddobaadkii hore ku soo mareen DAWGA-CAD ayaa ka markhaati kacay hawsha wanaagsan ee laga qabtey waddada Balli-gubadle illaa Hargeysa, waxayna qurba-joogta iyo dadka reer Somaliland ee gudaha ku nool ugu baaqeen inay doorkooda ka qaataan sidii loo dhamaystiri lahaa waddooyinka DAWGA-CAD iyo Balli-gubadle.

Guddoomiyaha Guddida dhismaha Jidka Balli-gubadle illaa Hargeysa, Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac) oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay guddida DAWGA-CAD ee booqashada ugu tagey, waxaanu amaanay hawsha adag ee ay guddida ay lamaanaha yihiin ka qabteen DAWGA-CAD.

Xildhibaan Nac-nac ayaa yidhi “Waxaanu ku faraxsanahay inaanu halkan (Balligubadle) keenno walaalahayaga Guddida dhismaha Jidka DAWGA-CAD, laba Magaalo ayaa la walaaleeyay ayaa la maqli jiray ee aanu ku walaalowno sidii aanu labadaa waddo u dhamaystiri lahayn, haddii ILAAHAY yidhaahdo…”

Xildhibaanka oo sii hadlaya ayaa sheegay  “Guddida DAWGA-CAD waxay wadaan waddo la mid ah Dawga Sheekh oo Shiinuhu inoo dhisay, sidaa waxaan u sheegayaa Qurba-joogta, markaan tagey DAWGA-CAD caloosha ayaan uga duceeyay guddida Dawga-cad, markaan arkay hawsha ay wadaan” ayuu yidhi.

Guddoomiyaha Guddida dhismaha jidka DAWGA-CAD, Eng. Cabdiqaadir Xaashi Cilmi ayaa isaguna halkaasi ka sheegay muhiimadda wada jirku u leeyahay aadamaha “ILAAHAY ha inoo siyaadiyo in aynu maanta isku tageenna iyo gacmaheena wax ku qabsanayno. Dadka gudaha jooga iyo kuwo dibadda joogaba waxaan leeyahay dalkani innaga ayuu ina sugayaa..” ayuu yidhi, Eng. Cabdiqaadir Xaashi Cilmi.

Waxa kale oo halkaasi hadal kooban ka jeediyay Eng. Axmed Warsame Siciid oo ka mid ah guddida dhismaha DAWGA-CAD, waxaanu yidhi “Waddada Balligubadle waa waddo dhaxal gal ah oo si wanaagsan looga shaqeeyay, aad bayna u mahadsan yihiin Guddida dhismaha waddada Balli-gubadle ilaa Hargeysa ee hawshan fuliyey…”

Labada Guddi ayaa markaasi ka dib socdaalkooda ku gaadhay Magaalada Balligubadle ee xarunta gobolka HAWD, waxayna kula kulmeen maamulka degmada iyo ka gobolka, waxaana la isla meel dhigay sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac, si guul looga gaadho hawsha adag ee dhismaha waddooyinka DAWGA-CAD iyo Balli-gubadle.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.