Guddida Dhismaha Jidka Balligubadle Oo Amaanay Hawsha Laga Qabtey Dawgacad

fb dawgacadGuddida dhismaha Jidka DAWGACAD oo ay wehelinayeen Guddida dhismaha Jidka Hargeysa ilaa Balligubadle ayaa shalay kormeer ku soo maray Jidka DAWGACAD iyo Magaalo xeebeedda Ceel Sheekh ee waqooyiga gobolka Maroodi-jeex.

Ujeeddada kormeerkan ayaa ahayd soo indho indheynta halka uu marayo dhismaha jidka DAWGACAD ilaa Ceel Sheekh oo meel wanaagsan maraya iyo sidii la iskaga kaashan lahaa dhamaystirkiisa. Waxayna labada guddi ay si wada jir ah u soo mareen meelaha la dhamaystiray ee Jidka DAWGACAD iyo meelaha qabyada ka ah ee la wado hawshiisa, waxayna kormeerkaasi ka dib ay socdaalkooda ku gaadheen Magaalo xeebeedda Ceel Sheekh.

Labada Guddi ayaa xeebta Ceel Sheekh ku yeeshay kulan lagaga wada hadlay isla-markaana lagu falan-qeeyay sidii loo sii xoojin lahaa dhamaystirka jidka Dawgacad ilaa Ceel Sheekh.

Guddoomiyaha Guddida dhismaha Jidka DAWGACAD, Eng. Cabdiqaadir Xaashi Cilmi oo kulankaasi ka jeediyay hadal kooban ayaa yidhi “Waxaanu halkan ku soo dhaweynaynaa Guddida dhismaha Waddada Balligubadle-Hargeysa oo halkan noogu yimid”

Guddoomiyaha oo sii hadlaya ayaa sheegay in dhismaha jidka DAWGACAD uu ku socdo tabarucaadka dadka reer Somaliland ee gudaha iyo dibadda dalka ku nool “Waddada DAWGACAD waxa hirgeliyey dadkii danaynayey ee adduunka noo soo dirayey, waanu idiin mahad-naqeynaa, waxaanuna ILAAHAY ka rajeynaynaa inaad dalkiina ku soo noqotaan oo aad aragtaan halka maanta hawshu mareyso, waana meel aad u qurux badan..dalku waa dal aad u qurux badan, waxa la innaga doonayaa inaynu dhisno oo aynu wakhtiga hurno”

Sheekh Cabdiqaadir Xaaji Jaamac, ayaa isaguna halkaasi uga duceeyay dadweynaha gacanta ka geysta dhismaha Jidkaasi “Waxaad soo bixisaan ILAAHAY ha idinku ilaaliyo, wax ka khayr badan ILAAHAY ha idiinku beddelo. Hawshiina waynu ku jirnaa oo waynu isku gargaarsanaynaa, markaa waa in la soo dedaalo”ayuu yidhi, Sheekh Cabdiqaadir Xaaji Jaamac.

Xubno ka mid ah Guddida dhismaha jidka Balligubadle ilaa Hargeysa oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa amaanay hawsha laga qabtey jidka DAWGACAD oo ay sheegeen inuu la mid yahay Dawga-sheekh, waxayna dadweynaha kula dardaarmeen inay ka qayb-qaateen dhamaystirkiisa “Ismaan lahayn buuraha ayaa la jeexi oo xeebta ayaa si fudud lagu tagi, maanta ayaa iigu horeysa Dawga-cad, waxaan tirinayey baabuurta mareysa, tirada gaadiidka marayaa waxa uu ku tusayaa muhiimadda jidka DAWGACAD, laakiin waxa look ala xigayaa yaa wax ku darsaday  iyo yaa wax ka qabtey” ayuu yidhi Xasan Bulbul oo ka mid ah Guddida dhismaha Jidka Balligubadle ilaa Hargeysa.

Xubin kale oo ka mid ah Guddida waddada Balligubadle ayaa isaguna yidhi “Guddida dhismaha jidka DAWGA-CAD waxaanu leenahay ha ka daalina dedaalka aad waddaan, waayo waxbaad reer Somaliland tusteen, in Buuro la jajabin karo ayaad tusteen. Sidaa daraadeed waxaanu leenahay jidka DAWGA-CAD ha laga qayb-qaato”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.