Guddida DAWGA-CAD Oo Ka Mahad Celiyey Qaadhaan Lacageed La Soo Gaadhsiiyey + DAAWO MUUWAAL

Warka DAWGA-CADHargeysa (Dawga-cag) – Guddida dhismaha jidka DAWGA-CAD ee waqooyiga Magaalada Hargeysa, ayaa guddoomay deeq lacageed oo dadweynaha reer Somaliland ugu tabaruceen dhismaha Wejiga labaad ee Waddadaasi oo meel wanaagsan mareyso.

Guddida oo habeen hore shir jaraa’id ku qabtey Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, ayaa sidoo kale ka xog-waramay sida ay u socoto hawsha dhismaha Jidkaasi oo lagu guddo jiro wejigii labaad, waxayna tilmaameen in la gudo galayo Laami Saaridda jidkaasi, gaar ahaan inta u dhaxeysa Dawga Camuud ilaa Ceel Sheekh.

Guddoomiyaha Guddida dhismaha Jidka DAWGA-CAD, Eng. Cabdiqaadir Xaashi Cilmi oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa faahfaahiyey Magacyada lacago qaadhaan ah oo muwaadiniinta reer Somaliland ugu soo tabaruceen dhismaha Jidkaasi “Labada hablood ee kala ah Sahra Maxamed Cabdi iyo Fadxiya Nuux Aw Cali waxa naga soo gaadhay oo ay soo direen $ 1000 doollar. Hablahaasi aad iyo aad bay u mahadsan yihiin, ILAAHAY wax ka khayr badan ha ugu beddelo..” ayuu yidhi, Guddoomiyaha Guddida dhismaha Jidka DAWGA-CAD.

Xaliimo Cali Muuse oo ka mid ah garabka haweenka ee guddida dhismaha DAWGA-CAD ayaa iyaduna soo bandhigtay lacago ay guddida soo gaadhsiiyeen Qurba-joogta reer Somaliland ee Sucuudiga, Ingiriiska iyo Kanada “Dumarka Magaalooyinka Daa’if iyo Jiddah oo ay ka wakiil tahay Aamina Maxamed Cabdi waxay noo soo direen $ 8000 dollar. Shamis Cabdi Axmed oo reer London ahina waxay noo soo dirtay $ 300 doollar, Aaden Cismaan oo reer Kanada ahi wuxuu noo soo diray $ 200 doollar, lacagaasna waxaanu ku shubnay Akownka..” ayay tidhi, Marwo Xaliimo Cali Muuse, waxayna intaasi ku dartay oo ay u mahad celisay guud ahaan dadkii soo diray lacagaha tabarucaadka ah, waxayna ILAAHAY uga bariday inuu khayr ka siiyo.

Guddoomiyaha Guddida wanaag farista iyo xumaan joojinta Somaliland, Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdalle, xubinna ka ah guddida dhismaha DAWGA-CAD ayaa isaguna gabogabadii halkaasi ka hadlay, waxaanu iftiimiyey ahmiyadda ay Alle agtiisa ka leedahay ka qayb-qaadashada dhismaha waddooyinku “Ka qayb qaadashada hawshan oo kale ILAAHAY baa loogu dhawaadaa, waayo waa dariiq ay dadka iyo bahaayinkuba marayaan” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey oo u duceeyay muwaadiniinta soo diray lacagaha guddida la soo gaadhsiiyey “Qaadhaanka sida aad u soo dirteen ayaanu idiinka guddoonay, dambigiina iyo ka waalidkiinba Alle ha ku dhaafo, ILAAHAY ducada ha idiin aqbalo..”

Halkan Hoose Ka DAAWO Muuqaalka Shirka Jaraa'id Ee Guddida

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.