Guddida DAWGACAD Oo Qaadhaan Lacageed Ka Helay Jaaliyadaha Faransiiska Iyo Biljamka + DAAWO

DAWGAHargeysa (DC) – Guddida dhismaha Jidka DAWGACAD ayaa qaadhaan lacageed ka guddoomay qaar ka mid ah jaaliyadaha reer Somaliland ee dalalka Yurub, taasi oo ay ugu talo-galeen inay kaga qayb-qaataan dhismaha jidkaasi.

Guddida ayaa ugu horeyn lacag kun dollar ah ka guddoontey Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee dalka Faransiiska Mowliid Ciise Dable, taasi oo hor dhac u ah qaadhaanka ay kaga qayb-qaadanayaan dhismaha jidka DAWGACAD “Lacagta aanu imika bixinaynaa waa Kun dollar, laakiin annagu waxaanu ka qayb-qaadaneynaa labada dariiq ee ugu muhiimsan Somaliland, kuwaasi oo ah Waddada Ceerigaabo iyo DAWGACAD, imika waxaanu soo bixinay wixii aanu haynay, laakiin hawshaasi waanu sii wadeynaa ka qayb-qaadashadeeda” ayuu yidhi, Mowliid Ciise Dable oo ka hadlayey shir jaraa’id oo guddida DAWGACAD ku qabteen Hargeysa xalay.

Guddoomiyaha Guddida DAWGACAD, Eng. Cabdiqaadir Xaashi Cilmi oo isaguna markaasi ka dib halkaasi ka hadlay ayaa faahfaahiyey muwaadiniinta kale ee dhaqaalaha soo gaadhsiiyey “Waxa Isaguna  $ 500 doollar soo diray Maxamuud Cabdi Dacar oo ah wakiilka Somaliland u jooga dalka Biljamka” ayuu yidhi, Guddoomiyaha Guddidaasi.

Guddoomiyaha Guddida wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland oo ka mid ah Guddida dhismaha jidka DAWGACAD, oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa Mahad-naq ballaadhan iyo duco u jeediyay muwaadiniinta guddida soo gaadhsiiyey qaadhaanka lacageed.

1 thought on “Guddida DAWGACAD Oo Qaadhaan Lacageed Ka Helay Jaaliyadaha Faransiiska Iyo Biljamka + DAAWO

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.