Hambalyada Ciida-Carafo iyo Guddiga dhismaha Jidka DAWGA CAD

fb dawgacad

September 23, 2015 (Hargaysa Dawgacad) – Guddiga dhismaha Jidka DAWGA CAD ee Waqooyiga Magaalada Hargeysa ayaa dhambaal hambalyo ah Munaasibadda Ciiddal Odxada u diray dhammaan Ummadda Muslimka ah, gaar ahaan Shacabka reer Somaliland siiba Taageerayaasha dhismaha Jidka Dawgacad.

Guddiga ayaa ummadda Islaamka ah iyo shacabka Somaliland u rajeeyay in ILLAAHAY sanadkan kiisa kale iyo kuwa kale oo badanba ku gaadhsiiyo caafimaad, Nabadgalyo iyo horumar.

Sidaana waxa lagu sheegay dhambaal Hambalyo ah oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Guddigaasi, Eng. Cabdiqaadir Xaashi Cilmi, waxaanu u qornaa sidan “Guddiga dhismaha Jidka DAWGA-CAD waxay ummadda Islaamka ah iyo shacabka reer Somaliland u dirayaan hambalyo farxadda Ciida Carafo awgeed, waxayna leeyihiin ku ciida farxad iyo rayn-rayn, ILLAAHAY Ciiddan teeda kale ha innagu gaadhsiiyo caafimaad, nabadgalyo iyo horumar, guddigu waxay si gaar ah hambalyo ugu dirayaan taageerayaasha dhismaha jidka DAWGA-CAD”

Allaa Mahad Leh

Guddoomiyaha Guddiga Dhismaha Jidka DAWGA-CAD

Eng. Cabdiqaadir Xaashi Cilmi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.