Horumarin Lagu Sameeyay Jidka DAWGACAD Iyo Xog-waranka Guddida Gacanta Ku Haysa

Hargeysa – Dhismaha Waddada DAWGACAD ee Waqooyiga Magaalada Hargeysa, ayaa si wanaagsan u socda, sida ay saxaafadda u soo bandhigeen guddida dhismaha Jidkaasi oo doraad booqasho ku tagey halkaasi.

Guddida dhismaha Jidka DAWGA-CAD oo ay kormeerkooda ku wehelinayeen qaar ka mid ah qurba-joogta reer Somaliland ee gacanta ka geysta hawsha culus ee jidkaasi ka socota, ayaa waxay soo bandhigeen hawsha laga qabtey jidkaasi saddexdii bilood ee u dambeeyay. Taasi oo ah ballaadhin lagu sameeyay Gooladaha jidkaasi oo hore baabuurta waaweyn dhib ku ahayd inay isku waydaartaan, hasa-yeeshee imika aad loo ballaadhiyey iyo weliba biyo shub wanaagsan oo loo sameeyay hareeraha waddadaasi, si biyaha ka soo dhaca buuruhu aanay u waxyeelayn jidkaasi oo Laami ah.

Eng. Axmed Warsame Siciid, oo ka mid ah Guddida dhismaha DAWGA-CAD, oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa faahfaahiyey hawsha laga qabtey waddadaasi saddexdii bilood ee u dambeeyay iyo qorshaha labaad oo ah in la guda-galo dhismaha wejiga labaad ee jidka DAWGA-CAD, gaar ahaan qaybta Hargeysa Ilaa Ceel Sheekh oo dhan 105 KM isla-markaana imika ay ka socoto sahamin iyo baneyn “Waxaanu guddi ahaan u soo baxnay oo aanu u nimid Jidka DAWGA-CAD, waa inaanu shacabka reer Somaliland ee horumarka jecel aanu tusno wixii aanu qabaney saddexdii bilood ee u dambeeyay” ayuu yidhi, Eng. Axmed Warsame Siciid, waxaanu intaasi ku daray “Saddexdii bilood ee u dambeeyay waxaanu ballaadhin ku samaynay waddadii DAWGA-CAD ee aanu hore u samaynay, gaar ahaan Gooladaha oo baabuurta waaweyn dhib ku ahaa, waanu ballaadhinay, ballaca Waddadu markii hore wuxuu 6 Mitir, laakiin imika waxaanu ka dhignay 15 Mitir”

Eng. Axmed Warsame oo sii hadlaya ayaa sheegay “Waxaanu Jafnay buuraha (Waddada ku teedsan, Si Jidku ballaadho) biyaha ka soo dhacayana waxaanu u samaynay biyo shub (Drainage)…” ayuu sheegay, Eng. Axmed Warsame Siciid.

Sidoo kale, xubno ka mid ah Qurba-joogta reer Somaliland ee guddida DAWGA-CAD ku wehelinayey kormeerkooda, ayaa iyaguna bulshada u diray, iyaga oo ka codsaday dhismaha guud ahaan waddooyinka Somaliland, si bay yidhaahdeen aynu ula tartanno caalamka. Xubnahan ayaa si gaar ah ugu baaqey qurba joogta reer Somaliland inay ka qayb-qaataan dhismaha jidka DAWGA-CAD, kaasi oo ay sheegeen inuu muhiim u yahay dalka, siiba isku socodka labada dal ee Somaliland iyo Jabuuti.

Qurba-joogta halkaasi tagey ayaa sidoo kale amaaney hawsha culus ee laga qabtey jidka DAWGA-CAD oo hore u ahaa jid ku yaalla dhul buuraley ah, isla-markaana galaaftey nolosha dad badan oo ku safrey, hasa-yeeshee imika loo beddelay waddo Laami ah oo si xirfad leh loo hirgeliyey, ilaa haddana hawsheedu socoto, una baahan in cid kastaa gacan ka geysato.

Gabogabadii waxa halkaasi ka hadlay, Suldaan Maxamed Siciid oo ka mid ah Guddida dhismaha Jidka DAWGA-CAD, ayaa aad ugu mahad-celiyey Mulkiilaha shirkadda Wadaniga ah ee SOMCABLE, Maxamed Aw Siciid oo uu sheegay inuu door weyn ka qaatey dhismaha jidka DAWGA-CAD, waxaanu baaq u diray shacabka reer Somaliland “Walaalayaal, dadkiina markii horeba Waddada ku soo tabcay, Waddadu maaha wax is-taageysa, way soconaysaa ilaa inta Jabuuti laga gaadhayo” ayuu yidhi Suldaanku, waxaanu intaasi ku daray “Waxaanu doonaynaa inaynu wadno, markaa ha is-dhiganina, Waddadiina idinka ayay idin sugaysaa”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.