Guddida dhismaha Jidka Dawga-cad ee Waqooyiga Magaalada Hargeysa oo hadda maraya wejigii labaad ee dhismaha jidka Hargeysa ilaa Ceel-sheekh, ayaa guddoomay deeq lacageed oo ay soo direen laba hablood oo ka mid ah jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan Magaalada Cardif ee cariga Ingiriiska.
Category Archives: DAWGACAD UPDATES
Leave a reply
Guddida Dhismaha Jidka Dawgacad Oo U Mahad-celiyey Jaaliyadda Ingiriiska Oo Si Weyn U Soo Dhaweeyay Wefti Guddida Ka Socday
Guddida Dhismaha Jidka DAWGA-CAD, ayaa u mahad-celiyey Jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Ingiriiska, kuwaasi oo si weyn u soo dhaweeyay wefti ka socday guddida dhismaha jidka Dawga-cad oo muddo dhowr iyo afartan maalmood ah safar ugu maqnaa UK.
Hay’adda Horumarinta Bariga Afrika Oo Ku Dhawaaqday Inay Gacan Ka Geysanayso Dhamaystirka Jidka Dawga Cad
Birmingham – Hay’adda Horumarinta Bariga Afrika ee Magaceeda loo soo gaabiyo EAD (East Africa Development), oo ah hay’ad fadhigeedu yahay dalka boqortooyada Ingiriiska, ayaa kulan ay Caasimadda dalka Labaad ee dalka Ingiriiska ee Burghemn ku yeesheen dadka xubnaha ka ah hay’addani waxay kaga dhawaaqeen inay gacan weyn ka geysanayaan dhamaystirka Jidka Dawga Cad ee isku xidhaya dalalka Somaliland iyo Jabuuti.